Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku fashilmay in Xubno ka tirsan Aqalka Madaxtooyada Somalia uu ku biiriyo Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Qorshahaani Xassan Sheekh ayaa fashilmay kadib markii shaqsiyaadkaasi looga itaal roonaaday codadka, halka qaarna laga soo xiray albaabadii ay kasoo gali lahaayen Doorashada.
Shaqsiyaadka uu Xassan Sheekh la doonaayay kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ayaa u badnaa gacan yarayaashiisa balse Nasiib darro waxaa hamigooda fogaa ka hormaray nasiib darada.
Shaqsiyaadka uu Xassan Sheekh watay ee fashilka la kulmay ayaa waxaa kamid ah:
1-Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Somalia Saadaq C/kariin oo doonaayay inuu isku soo sharaxo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, gaar ahaan Jufada uu kasoo jeedo Xassan Sheekh balse waxa uu la kulmay fashil, kadib markii uu booskaasi nasiib u yeeshay nin ka kharashbadnaa isaga.
2-Shadoor Xaaji Shadoor oo kamid ah shaqaalaha Aqalka Madaxtooyada Somalia ayaa isna ku fashilmay hamigii ahaa inuu Xildhibaan noqonaayo, balse nasiib darro ma uusan helin waxa uuna ku haray Siyaasad iyo lacag la’aan.
3-C/raxmaan Tuuryare oo adeer u ah Xassan Sheekh ayaa isna ku fashilmay kamid noqoshadiisa Baarlamaanka kadib markii booskaasi uu xirtay Ganacsadaha caanka ah Caddow Cali Gees.
Madaxweyne Xassan ayaa ku xisaabtamaayay Codadka shaqsiyaadkaani isaga ku dhow dhow, waxa ayna tani fashil baaxad weyn ku keentay Xassan oo u muuqda in waddo waliba laga soo go’doomiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

