26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

XOG: Xubno ka tirsan Guddiga ololaha u qaabilsan Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland soo gaaray Mas’uuliyiin uu hogaaminaayo Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carteh iyo Mas’uuliyiin kale oo dhowr ah.

Mas’uuliyiinta uu hogaaminaayo Maxamed Cumar Carteh ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Madaxweynaha maamulka Jubbalan Axmed Madoobe, oo ay kawada hadleen arrimaha Doorashooyinka Somalia.

Mas’uuliyiinta uu Hogaaminaayo Maxamed Cumar Carteh, ayaa magaalada Kismaayo usoo gaaray ololaha Doorashooyinka Somalia, gaar ahaan tan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa Maxamed Cumar Carteh u fasaxay in ololaha Xasan Sheekh uu kawado magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in kulamo uu la qaadan doono Xildhibaano iyo mas’uuliyiin dhowr ah si uu uga dhaadhiciyo ololaha Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo dhawaan isku arkay magaalada Kismaayo ayaa ku heshiiyay in magaalada Kismaayo loo soo diro Maxamed Cumar Carteh iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga ololaha u qaabilsan Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe oo dhexda ugu jira Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ayaa haddana isku dayaaya in labada mas’uul uu qanciyo si ay usii wataan ololahooda Doorasho.

Ma cadda guusha Maxamed Cumar Carteh iyo xubnaha la socda ay kasoo hoyin doonaan ololaha Xasan Sheekh ee magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News