27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Xog: Yaa ka dambeya safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay ku tagay magaalada Kismaayo ayaa lagu warramayaa inay ka dambeyso dawlada Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dawlada Itoobiya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ka dhaadhicisay inuu hanto aageerada madaxda madasha Qaran, taasi oo muhiim u ah soo noqoshada labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo doorasho geli doona dhowaan.

Safarka uu shalay ku tagey Magaalada Kismaayo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in ujeedada imaatinkiisa Magaalada Kismaayo qeyb ka tahay ololihiisa doorashada, isagoo yiri inta aa joogo Kismaayo waxan kulami doona Madaxda Jubaland iyo weliba mudanayaasha labada aqal ee dhawaan lagu doortay Kismaayo.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaciyay hadalo u muuqday kuwo uu kusoo jeedanayo Maamulka Jubba-land si uu u helo taageerada Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xildhibaanada Cusub.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyay soo gaarayay musharaxiinta u tartameeysa xilka madaxweeynaha dalka, waxaana musharixiinta ilaa hadda Kismaayo soo gaaray kamid ah Raysul Wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Musharax Siciid C/llaahi Daani, C/raxmaan C/shakuur, Cali Xaaji Warsame, Max’ed Axmed Nuur Tarsan iyo Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News