27.1 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Xog: Yaa lahaa fekerka isku xirka Imaaraadka Carabta iyo R/W CC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya xogo kala duwan oo ku aadan ololaha ay Dowlada Imaaraadka Carabta u wado Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo la doonaayo in booska looga saaro Xassan Sheekh oo hadda ah Madaxweynaha dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaare Cumar uusan laheyn fekerka lagu abuuray xiriirka cusub ee iminka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka oo juhdi farabadan ku bixineysa sida Sharmaarke uu ku hogaamin lahaa Somalia.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xiriirkaasi uu ka danbeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye waxa uuna bilowga xiriirkaasi ahaa 13-7-2016.

C/salaan Hadliye ayaa muddo Hal bil iyo bar ku dhow u kala dabqaadayay Dowlada Imaaraadka iyo Ra’isul wasaare Cumar, ilaa markii danbe Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka ay ka shaqeysay sida lagu yagleeli lahaa xiriir dhexmara Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia Al-Cuthmani iyo Sharmaarke.

Xiriirka Al-Cuthmani iyo Sharmaarke, ayaa xoogeystay wixii ka danbeeyay 20-8-2016 kaasi oo iminka gaaray heer labada mas’uul ay wadaagan arrimaha sirta u ah Qaranka Somalia.

Wixii ka danbeeyay 07-9-2016 Ra’isul wasaare Cumar ayaa bilaabay socdaalo uu ku gaarayo dalka Imaaraadka halkaasi oo ay isku arkayeen diblumaasiyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ay kawada xaajoonayeen arrimihiisa la xiriira doorashada iyo maslaxada Imaaraadka ugu jirta haddii ay kursiga ugu sareeya dalka gaarsiiyan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye ayaa isaga u taagnaa dhex dhexaadinta Imaaraadka iyo Cumar C/rashiid maadaama Sharmaarke laga saxiixay fulinta qodobo dhowr ah haddii la gaarsiiyo kursiga Qaranka.

Hadliye waxa uu Cumar C/rashiid ku cadaadinaayay inaanu ka hor imaan shuruudaha lagu xiraayo, waxa uuna isku xirka labadaasi dhinac ku qaadanaayay dhaqaale xoogan.

Imaaraadka ayaa iminka hirgaliyay baahidooda ku aadan tashkiilinta Cumar C/rashiid, waxaana lagu wadaa in Sharmaarke la gaarsiin doono heer Madaxweyne waa haddii uusan ka beyrin heshiiska ay wada galeen Imaaraadka.

Docda kale, Dowlada Imaaraadka ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani ay Cumar C/rashiid guddoonsiiyan dhaqaale aad u xoogan taa oo uu uga bixi doono ololaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News