Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghaynta Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka tanaasuli doonin fekerkeeda ku aadan jiritaanka Somaliland ee gooni isu taaga ah.
Nimco Ciise oo ah xoghaynta Madaxweyne Farmaajo oo asal ahaana ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa barteeda Facebook kusoo daabacday in shaqada ay heyso micnaheeda uusan aheyn inay ka tanaasushay fekerkeeda gooni isu taaga Somaliland.
Nimco Ciise, waxay sheegtay shaqada ay hayso inaysan bedelin ayna ku faraxsantahay inay tahay Somalilander, hayeeshee shaqadaani ay tahay mid ay ku gaareyso damaceeda Siyaasadeed.
Mid ka mid ah asxaabteeda oo commenti ka bixisay qoraalkaas ayaa ku tiri waxaa la mid tahay dadka ka shaqeeya Daarfuur ama Geneva waxayna si deg deg ah ugu jawaabtay “Waa sidaa huuno”
Xarumaha ugu muhiimsan ee dalka sida Villa Somalia ayaa waxaa u shaqa taga boqolaal ruux oo u adeegeysa Qaranka haddana aan aaminsaneyn Qaranimada Somalia kuwaa oo u hanqal taagaya in Somalia ay kala go’do cid walibana ay maamulato deegaankeeda.
Dadka qaar ayaa is weydiinaaya in Villa Somalia oo ah halka laga maamulo dalka ay haddana u shaqa tagaan shaqsiyaad aan ku qanacsaneyn midnimada Somalia.