Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Puntland ayaa ku heshiiyey inay si dhaafsadaan maxaabiis lagu qabtay dagaalladii Goojacadde iyo Tukaraq, kuwaas oo ku kala xiran Hargeysa iyo Garowe, tirada maxabiista la is dhaafsanayo ayaa u dhaxeysa 25 ilaa 30 qof.
Saraakiil ka tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labada maamul ay ka wadahadleen sii deynta maxaabiista ay iska hayaan, kuna heshiiyeen, hadib hadalkii Saciid Deni uu warbaahinta u marsiiyey Somaliland, kaas oo Cabdiraxmaan Cirro uu ka soo jawaabay.
Saraakiishu waxay noo sheegeen in Somaliland sii dayneyso 11 maxbuus oo reer Puntland ah, kuwaas oo waayo badan Hargeysa ku xiraa, halka Puntland ay uga beddalaneyso 16 maxbuus oo reer Somaliland ah, kuwaas oo muddo badan ku xiraa Garowe.
Maxaabiista hadda la qorsheeyey in Somaliland ay sii deyso dhamaantood waa reer Puntland, kumana jiraan kuwii dagaallada looga qabtay SSC-Khaatumo oo iyadu bilowday sii deynta maxaabiis gaareysay 25 qof oo wax shuruud ah aysan ku xirin, kuwaas oo Hargeysa laga dejiyey maalmo ka hor.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa meel fagaare ah ka jeediyey waxa ay xukuumadiisu ka damacsan tahay arrinta gobolka Sool oo hadda ay gacanta ku hayaan maamulka SSC-Khaatumo, isagoo hoosta ka xariiqay in wax kasta ay nabad ku raadi doonaan.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale soo hadal qaaday maxaabiistii 25-ka qof aheyd ee dhowaan maamulka SSC Khaatumo uu ku wareejiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo Muqdisho laga qaaday, lagana dejiyey magaalada Hargeysa.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo dhawaan la bilaabay qorshe ay Somaliland ku sii deynayso maxaabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, kuwaas oo lagu wado in saacadaha ama maalmaha soo socda laga dejiyo magaalada Garowe.