25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Bookmark
Bookmarked

Share

Laamu (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo u dhex-maray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada difaaca ee dalka Kenya.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan hoostaga magaalada Lamu ee dalkaas, halkaas oo uu kadib ka qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is waydaarsanayeen Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya, waxaana jira khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta lagu dilay ugu yaraan 4 kamid ahaa raggii weerarka soo qaaday, iyada oo la dhaawacay saddex kale oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma cadda inta la’egyahay khasaaraha gaaray ciidanka Kenya ee lagu weeraray xeradadooda, maadaama aan xog badan laga helin gudaha saldhigga.

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka ayaa sheegtay in khasaare lixaad leh ay gaarsiisay ciidamada Kenya ee dagan saldhigga lagu dagaalamay, balse ma shaacin inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaas oo ay dhuumaaleysi uga gudbaan xubnaha Shabaab ee weerarada ka fuliya Waqooyi Bari.

Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ee ku yaalla halkaasi, maadaama ay weli kooxda si weyn ugu xoogan tahay gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News