Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo u dhexeeyo magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah.
Ciidamada oo hayay xogta weerarka Al-Shabaab ayaa ka hortegay xubnaha Al-Shabaab, iyagoo jab culus ugu gaystay halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.
“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda dhexe.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan aagga magaalada Baydhaba ayaa sheegay in weli maydadka Al-Shabaab ay daadsan yihiin gudaha Burjeed, isla markaana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyada weerarka ku qaaday deegaankaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.
Waa markii labaad oo cashir lama ilawaan ah kooxda Khawaarijta loogu dhigayo deegaanka Burjeed, waxaana ahayd dhowaan markii lagu laayay deegaankaasi, kadib markii looga dilay ugu yaraan 20 Shabaab ah oo xilligaas sidaan weerar ugu soo qaaday ciidamada.
Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee xilligaas la laayay ayaa la geeyay magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, si looga saaro deegaannadaasi oo ay muddo dheer ku hayaan cunaqabateyn xoogleh.