26.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xogta duqeyn culus oo uu Mareykanka ka fuliyay Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay howlgallo ka wadaan ciidamada Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameed ah lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa aagga tog ku yaalla Baallade, halkaas oo uu ka socdo howlgalku.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan oo saacado kahor ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka oo taageero ciidanka difaaca ee Puntland.

“Duqeyn ayaa saacado kahor lala beegtay xubno firxadka argagixisada Daacish ka mid ah oo ku dhuumanayey Tog ku yaalla Baallade, Duqeynta waxaa fuliyey Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Waa weerarkii labaad oo cirka ah oo muddo 24 saac gudahood ka dhacaya aagga buuraha Calmiskaad, waxaana ahayd shalay markii sidaan oo kale uu Mareykanka duqeyn uga fuliyay deegaanka Ceelka Baarakalaah oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish.

Duqeyntaas oo ahayd mid kamid ah kuwii ugu xoogganaa ee ka dhaca halkaas ayaa waxaa khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Sidoo kale, waxaa goobta ka dhashay dagaal foolka fool ah, kaas oo dhex-maray ciidanka Puntland iyo maleeshiyaadka ku jira godadka hoostooda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan o oleh dhimasho iyo dhaawac.

Daacish ayaa difaacaneysa Ceelka Baarakalaah, waxaana horay ay u sheegtay inay ka hortegtay weeraro ay kusoo qaadeen ciidanka Puntland, si ay u qabsadaan deegaankaas.

- Advertisement -

Read more

Local News