Bariire (Caasimada Online) – Hubkii Ciidanka Xoogga Dalka ay Al-Shabaab uga furteen dagaalkii toddobaadka ka socday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose waxaa ku jiray Gantaalka Al-Yassin, oo burburiya gaadiidka gaashaaman, sida taangiyada casriga ah, waxaana soo saartay kooxda Xamaas ee Israa’iil kula dagaalanta dhulka reer Falastiin.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida uu hubkan khatarta ah ugu dhacay gacanta argagixisada Al-Shabaab, maadaama uu yahay gantaal awood sare leh oo loogu talagalay in uu jebiyo oo goobo taangiyada dagaalka, taas oo khatar weyn ku ah ciidamada iyo shacabka haddii ay argagixisadu adeegsato.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo gacanta ku haya, lana yaaban gantaalkaan halista ah ayaa sawir looga qaaday deegaanka Bariire, kadib markii fagaare lagu soo bandhigay hubkii laga furtay Khawaarijta Al-Shabaab.
Dagaalyahanada Falastiin ayaa la sheegay in hubkaan aysan soo dhoofi karin, maadaama aysan haysan meel ay marsiiyaan, balse waxa ay u badan tahay in Xuutiyiinta Yemen ama Iran lagu farsameeyay, kadibna kooxdu soo dhoofsatay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay xiriirka ka dhexeeya argagixisada ka dagaalameysa Soomaaliya iyo Xuutiyiinta Yemen uu sii xoogeysanayo.
Warbixin kooban oo ku saabsan Gantaalka Al-Yassin
Waa gantaal ka soo jeeda RPG-7, waxaa soo saaray dagaalyahanno ka tirsan Hamas (Izz ad-Din al-Qassam Brigades), una adeegsaday dagaalka ay kula jiraan Israa’iil, tan iyo 2004. Waxaa loo bixiyay magaca Sheikh Ahmed Yasin, aasaasihii Xamaas.
Waxaa la sheegay in miisaankiisu uu yahay qiyaastii 7 KG, dheerarkiisuna 95 CM.
Noociisa ugu hormarsan waxaa lasoo bandhigay 2023, waa gantaal laba-weyne ah (tandem warhead) oo loogu talagalay ka hortaga Taangiyada gaashaaman ee dagaalka.
Gantaalkan ayaa markii ugu horreysay loo adeegsaday dagaalka Gaza ee 2023, waxaa loo adeegsaday in lagu dhaco taangiyada Merkava ee Ciidamada Israa’iil. Xawaaraha uu socdo wuxuu gaaraa qiyaastii 300 m/s, fogaankiisuna yahay illaa 500 M.
Hoos ka eeg sawirrada gantaalka iyo hubkii kale ee Bariire looga furtay Al-Shabaab