Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiis taariikhi ah oo lala galay shirkadda OYAK ee dalka Turkiga.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha badda, gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga oo kamid ah kheyraadka ugu weyn ee Soomaaliya leedahay.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa kalluumeysiga dalka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah. Waxaa sidoo kale lagu xoojin doonaa kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah horumarka kalluumeysiga, taasoo fure u noqon doonta in la gaaro wax-soo-saar tayo leh oo la jaan qaadi kara suuqa caalamiga ah.
Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska ayaa waxaa kamid ah maalgelinta dhisidda warshado kalluumeysi, kobcinta wax-soo-saarka kalluunka, iyo tayeynta kalluunka si uu u buuxiyo shuruudaha suuqyada dibadda. Waxaa sidoo kale loogu tala-galay in la abuuro fursado shaqo oo gaaraya kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka faa’iideysan doona mashaariicda ka dhalanaya heshiiskan.
Sidoo kale, heshiiskaan ayaa gacan ka geysan doona la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya. Waxaa la filayaa in uu sare u qaado dakhliga kasoo xarooda kheyraadka badda, taasoo kaalin weyn ka qaadan doonta kororka dakhliga dalka iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee badda.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay horumarinta kalluumeysiga dalka, iyada oo si firfircoon u xoojinaysa iskaashiga ay la leedahay shirkadaha caalamiga ah iyo hay’adaha maalgelinta.
Heshiiskan cusub ayaa tusaale u ah dadaalka joogtada ah ee dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaraddu ugu jirto sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd kheyraadkeeda badda si hufan oo waara.
Si kastaba, heshiiska lala galay shirkadda OYAK ayaa laga filayaa inuu noqdo mid horseeda horumar la taaban karo oo dhanka kalluumeysiga ah, taasoo dalka u furi doonta fursado badan oo shaqo, maalgashi iyo dakhli kordhin ah.