27.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xogta howlga culus oo lagu beegsaday guri ku yaalla Kaaraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo xalay ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayay ammaanka guud ee degmadaasi.

Howlgalka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa fuliyay ciidamada Gaashaan ee Hay’adda NISA, kuwaas oo beegsaday guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Kaaraan.

Saraakiil amni ayaa sheegay in guriga looga shakiyay waxyaabo liddi ku ah amniga, isla markaana ay u daateen ciidamada amniga ee xalay howlgalka ka sameeyay halkaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa la maqlay jugta qarax ay adeegsadeen ciidamada oo ku jabiyay albaabka guriga, kadibna sidaaas gudaha ugu galay.

Faah-faahin dheeri ah ma bixin saraakiishu, waxaana howlgalka oo qaatay saacad ay ciidamadu dib ugu laabteen xaruntii ay markii hore kasoo baxeen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Kaaraan ka socday howlgallo guud oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan, maandooriyaha iyo ciyaal weerada.

“Xashiishka iyo weerada dadka lagu soo qabtay degmadaan kama sii soconeyso cid laga yeelana habayaraatee ma jirto”, ayuu dhawaan yiri guddoomiye degmada Kaaraan oo ka hadlay xaaladda ammaan ee degmadiisa.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Hooyooyinka waxaa laga rabaa laba midkood waayay ilmaha lasoo qabto in aysan ka daba imaanin amaba marka hore inay ceshtaan kow iyo toban saac inay weero bilabaan markii ilmihiina lasoo doonana lix saac habeenimo aa ka daba imaataan cid laga akhrinaasyo maleh ”.

Muqdisho ayaa muddooyinkan ka caganeyd kooxaha ciyaal weerada iyo falalka kale ee amni darrada, kadib ay qorshayaal amni sugid oo ay la timid dowladda, kuwaas oo hirgalay.

- Advertisement -

Read more

Local News