Xudur (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta degmada Xuddur, waxaana jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Sida lagu sheegay qoraalka waxaa weerar lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood, halka lagu dhaawacay 10 kale oo ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.
“Howlgalka oo si xeeladeysan loo abaabulay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan saddex dhagarqabe, waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.
Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kadib markii ay uga carareen deegaanka lagu weeraray ee Moora-Gaabeey
“Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa sidoo kale ku soo furtay agab ciidan oo ay ku jirtaan hub iyo saanad ay isticmaalayeen kooxaha nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Howlgalkan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana weli ciidamada ay sii baacsanayaan firxadka Al-Shabaab, sida uu sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada.
Xudur iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmahan ka socday howlgallo xoreyn ah, waxaana dhawaan markii halkaas lagu laayay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan 8 KM u jira magaaladaasi, iyada oo sidoo kale lagu soo furtay qoryo AK47 ah.

