28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xogta kiisas xasaasi ah oo ay la wareegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la wareegay gal-dacwadeedka eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Raggan oo hore uga tirsaan ciidanka dowladda ayaa lagu soo qabtay howl-gallo ay fuliyeen ciidamada amniga caasimadda, iyadoo ugu dambeyn loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, si uga soo diyaariyo gal-dacwadeedkooda ka hor inta aan loo gudbin Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la horgeyn doono maxkamadda, iyadoo eedeysanayaasha ay difaac u noqon doonaan qareenno matalaya.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u dhageysanaysay dacwooyin loo haysto rag iyo dumar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno Al-Shabaab ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal iyo qaraxyo.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada dilka toogashada ah.

Xabsiyada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran dad loo xukumay in ay dilal geysteen, kuwaas oo qaarkood yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, halka kuwa kale ay yihiin xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, kuwaas oo sugaya goorta lagu fulinayo xukunnada ay maxkamaddu ku riday.

- Advertisement -

Read more

Local News