25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xogta kulanka Abiy Ahmed iyo mas’uulka ugu sareeya howl-galka Mareykanka ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.

War kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay si qoto dheer uga wada-hadleen arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga dhanka difaaca, gaar ahaan halista ka imaanaysa kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa la tilmaamay in kulankaan uu muujinayo sida ay Mareykanka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga amni ee dalalka gobolka.

Safaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in kulanka uu salka ku hayay sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Dowladda Itoobiya iyo AFRICOM, isla markaana si wadajir ah loola tacaalo khataraha argagixisanimo ee ka jira gobolka.

Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in General Langley iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ay xoogga saareen muhiimadda ay leedahay iskaashi istiraatiiji ah oo lagula tacaalo kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in wada-hadalka uu la yeeshay Taliyaha AFRICOM uu ku saabsanaa xoojinta iskaashiga dhanka amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxa uu xusay in Itoobiya ay dooneyso in la helo taageero muuqata oo caalami ah si wax looga qabto caqabadaha ka jira Geeska Afrika.

Si kastaba, kulankan ayaa imaanaya xilli uu General Michael Langley oo ah ninka ugu sarreeya howl-galka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu socdaal ku marayo dalalka gobolka Geeska Afrika. Ninkan ayaa maalintii shalay ku sugnaa Somaliland halkaas uu tegay illaa magaalada Berbera.

Socdaalka masuulkan ayaa la xiriira siyaadadda cusub ee Mareykanku uu ku wajahayo Geeska Afrika, taas oo ay sidoo kale qayb ka tahay dowladda Itoobiya.

- Advertisement -

Read more

Local News