Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah loola eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay bannaanka magaalada, waxaana kasoo gaaray khasaare kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino uu haleelay mid kamid ah kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ku dhintay laba askari, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.
Sidoo kale waxaa burbur xooggan uu soo gaaray baabuurka la qarxiyay ee ay wateen ciidamada Itoobiya ee lagu weeraray duleedka Baydhaba, kuwaas oo markii dambe isaga dhaqaaqay meesha.
Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha Itoobiya ee fariisinka ku leh magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Dhinaca kale, looxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay khasaare xoogleh ku gaarsiiyay ciidamada Itoobiya, howlgalkana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Ammaanka Baydhaba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid deggan, waxaase inta badan weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan deegaannada hoos yimaada magaaladaas oo ay halis ku hayaan Al-Shabaab.
Dhowaan ayay ahayd markii maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay weerar culus kusoo qaadeen deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa si weyn loogu jabiyay weerarkaasi, iyada oo looga dilay xubno badan oo kadib maydadkooda la geeyay Baydhaba oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.