25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xogta qorshe culus oo uu Farmaajo ka billaabayo Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulammo siyaasadeed ka bilaabo magaalada Muqdisho, xilli uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib saddex sano iyo dheeraad oo uu ka maqnaa.

Xubno ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiin kale ayaa madaxweynihii hore ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa dalka ugu soo laabtay arrimo la xiriira doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda lagu wado in ay dalka ka qabsoonto, walow aan weli heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto 2026.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu qayb ka noqon doono dadaallada gudaha ee xalka loogu raadinayo in la dhammeeyo khilaafka masiiriga ah ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriira doorashada dalka, isla-markaasna ka dhashay wax ka beddelkii 30-kii bishii Maarso ee sanadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee uu ka kooban yahay.

“Madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxa uu sii xoojinayaa dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka mid ah xubnaha sida dhow loola xiriiriyo Farmaajo.

Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay: “Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulammo wada-tashi oo ku saabsan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daala-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed la qaadan doonaa hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.”

Imaanshaha Farmaajo ee dalka ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu is-mar-waa ku saabsan doorashada uu muddooyinkanba u dhexeeyay siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta iyo Villa Somalia.

13-kii bishii August ayaa waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulammo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la lahaa xubnaha Madasha Samatabixinta, kaddib markii ay isla meel dhigi waayeen in laga laabto qodobadii la beddelay ee Dastuurka Qabyo-qoraalka, si marka hore loogu heshiiyo haddii wax laga beddelayo iyo haddii kaleba.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo-diidan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamulayso doorashada 2026, iyagoona ka digay in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Farmaajo waa madaxweynihii ugu dambeeyay ee dalka, inta doorasho lagaga guulaysto xilka wareejiya, dowladduna waxay og tahay in uu saamayn siyaasadeed leeyahay.

Farmaajo waxaa lagu tiriyaa siyaasiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, inkastoo uu u dhaqmayo sida siyaasi keli-duul ah, marka aad eegto in aanu xubin ka ahayn isbahaysiyada ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka.

Farmaajo ayaa waxaa suurtagal ah in billaha soo socda uu si toos ah isu xiro siyaasiyiinta ka aragti duwan Villa Somalia, si uu u mucaarado siyaasadda qaran ee dowladdu ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qof iyo cod ah.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan dalka ka qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, maadaama ay ka warqabto in beesha caalamka aan wax dhaqaale ah lagu bixin doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daba-yaaqadii bishii August hal tallaabo u qaaday tanaasulka looga baahan yahay in dowladdiisu ay sameyso, markaas oo uu oggolaaday in madaxweynaha xiga ay soo doortaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, balse ay dadweynuhu si toos ah u soo dooran doonaan golayaasha deegaanka, xildhibaannada baarlamaanada heer dowlad-goboleed iyo heer federaalba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankan qaatay heshiis uu xilligaasi la galay afar ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, kuwaas oo mabda’ ahaan ka tanaasulay mucaaradnimadooda. Siyaasiyiintan ayaa kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdirraxmaan.

- Advertisement -

Read more

Local News