29.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 15, 2026

Xogta safarka muranka dhaliyay ee ganacsatada uu hogaaminayo Danjire Jabriil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kinshasa (Caasimada Online) – Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo (DRC) waxaa ku sugan ganacsato Soomaali ah oo ka kala yimid meelo kala duwan, waxaana hoggaaminaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle.

War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Facebook ee safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa lagu yiri: “Safarka ganacsatada wuxuu daba socdaa kulamo muddo sanad ah u socday oo dhexmarayay Safaaradda Soomaaliya ee DRC Congo ku leedahay dalka Kenya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, iyaga oo kaashanaya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.”

Sidoo kale, qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in safaaradda DRC ee Nairobi iyo tan Soomaaliya ay ka wada shaqeeyeen safarka ganacsatadu ku tageen halkaasi. Waxaa lagu daray:

“Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo safaaradda dalka DRC ee dalka Kenya ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay safarkan isugu jira xog-wareysi, fududeynta ganacsiga Soomaalida iyo dhiirigelinta fursadaha ganacsi ee ay ka faa’iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzaniya ayaa barteeda Facebook ku baahisay qoraal ay ku sheegtay in safiirka Soomaaliya ee Tanzaniya uu dowladda ku matalo dalka Congo, isla markaana aan lala socodsiin socdaalka ganacsatada iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya ay ku tageen dalkaasi.

Qoraalka ayaa lagu yiri:“Safaaradda JFS u qaabilsan dalka Tanzaniya waxay caddeyneysaa in Congo (DRC) ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadu masuul uga tahay danaha dowladda iyo dadka. Safarka la sheegay in safiirka Kenya uu hoggaaminayay oo ka koobnaa ganacsato Kenyan iyo Soomaali ah kuna tagay Kinshasa, haba yaraatee safaaradda laguma wargelin xogtiisa iyo ujeedkiisa, taas oo ka baxsan sharciga diblomaasiyadda iyo nidaamka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.”

Labada safiir oo BBC-du la xiriirtay—Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle (Safiirka Soomaaliya ee Kenya) iyo Danjire Ilyaas Cali Xasan (Safiirka Soomaaliya ee Tanzaniya)—labaduba way ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahan.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Maxamed Ibraahim (Shakuul), oo ka mid ah ganacsatada safarka ku weheliya Danjire Jibriil oo ku sugan dalka Congo, ayaa BBC-da u sheegay in safiirka DRC u fadhiya Nairobi uu ku casuumay dalkiisa si ay u soo arkaan fursadaha ganacsi ee halkaasi ka jira.

Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Shakuul oo sharxaya ujeeddada socdaalkooda iyo wixii ka soo baxay.

- Advertisement -

Read more

Local News