Minnesota (Caasimada Online) – Shamso Axmed Xasan oo 55 jir ah iyo Xanaan Mursal Yuusuf oo 25 jir ah, kuwaas oo labadubaba deggen magaalada Brooklyn Park ee gobolka Minnesota, ayaa lagu eedeeyay khiyaano maaliyadeed dhan $21.2 milyan oo la xiriirta daryeelka caafimaadka sida ay sheegtay maxkamadda federaalka ee dalka Maraykanka.
Sida ku cad dukumenti laga helay barta internetka ee Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, labadan dumar ah ayaa u gudbiyay sheegashooyin been abuur ah Barnaamijka Waxqabadka Horumarinta iyo Dhaqanka ee Degdegga ah (EIDBI) ee hoos yimaada Medicaid-ka Minnesota, kuwaas oo lacagtoodu gaarayso $46.6 milyan oo doollar. Lacagtaas intieeda badan, oo dhan $21.2 milyan oo doollar, ayaa durba la siiyay dadka eedaysanayaasha ah ee falka gaystay.
Haweenkaan ayaa qoysaska u ballanqaaday laaluush bishii dhan $300 ilaa $1,500 si carruurtooda loogu qoro qorshahan lunsashada ah. Lacagtii ay bixisay Medicaid oo dhan $21.1 milyan ayaa loo adeegsaday iibsashada hanti guryo dhulal iyo xawaalado loo xawilay dalka Kenya.
Labadan qof ee kor ku xusan ayaa ka mid ah 15 eedeysane oo ku lug leh fashilinta ugu weyneyd abid ee qorshe khiyaano oo la xiriira barnaamijka autism-ka ee Medicaid, kaas oo sababay khasaare lagu qiyaasay in ka badan $90 milyan, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyayaasha.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in aanay jirin wax adeeg caafimaad ah oo dhab ahaan lagu qabtay beddelka lacagtaas, kuwaas oo aan xataa markii horeba u qalmin ama aan haysan aqoontii ay adeeggaas daryeelka ku bixin lahaayeen. mashruucaan ayaa dhacay intii u dhaxeysay May 2020 iyo December 2024.
Bishii Febraayo ee sannadkan, Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ku dhawaaqay in dawladda federaalku ay si kumeelgaar ah u joojisay dhammaan lacagaha Medicaid ee la siin jiray gobolka Minnesota, inta laga baarayo xadgudubyada ka dhanka ah nidaamka. Baaritaankan waxaa hormuud ka ah guddiga la-dagaallanka tuugada iyo musuqmaasuqa ee uu isagu madaxda ka yahay.
Fadeexaddan maaliyadeed ee Minnesota waxay soo shaacbaxday bishii Janaayo, kadib markii wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Nick Shirley uu muuqaallo ka duubay xarumo daryeel carruureed oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed, kuwaas oo u muuqday kuwo aan shaqaynayn balse lacago malaayiin dollar ah ka helay dawladda gobolka.

