25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xogta shir maalintii afaraad u socda Soomaaliya iyo Jabuuti

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jabuuti ka socda shir aqoon-isweydaarsi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti, kaas oo maanta galay maalintiisii afraad.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dal iyo isweydaarsiga khibradaha ku saabsan arrimaha Awqaafta iyo Diiwaanka Sakada, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhiso hanaan mideysan oo qayb ka ah qorshaha isbeddelka qaran ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray shirkan ayaa Wasiirrada labada dal, Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Muumin Xasan ayaa sidoo kale waxay diirada saareen dardar-gelinta fulinta qorshaha isbeddelka qaran ee Soomaaliya ee la xiriira horumarinta nidaamka Awqaafta iyo Sakada.

Kulanka kadib, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa warbixin kooban siiyey warbaahinta, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay wada-shaqeynta labada dal iyo sida ay iskaashigan uga qeyb qaadan karto dhismaha hay’adaha diinta iyo horumarinta adeegyada bulshada ee ku dhisan qiyamka Islaamka.

Shirkan afar maalmood socday ayaa la filayaa in lagu soo saaro heshiisyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga diimeed, dhaqan iyo bulsho ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo noqon doona saldhig muhiim u ah hirgelinta qorshaha isbeddelka qaran ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka inta u dhaxeysa 2025–2030.

Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awaafta ee Jabuuti, Muumin Xasan Barre.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Ibraahim Aadan Nadarra, Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sheekh Cali Xaaji Daahir.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Macallin Abuukar (Sh. Suufi Yare), Guddoomiye-ku-xigeenka Midowga Culimada, Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo xubno kale oo ka tirsan howl-wadeenada Wasaaradda.

- Advertisement -

Read more

Local News