Muqdisho (Caasimada Online) – Shir muhiim ah ayaa maanta ka dhacay Wasaaradda Amniga Gudaha ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa falanqeeyay xaaladda amniga dalka iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera.
Shirka waxaa shir-guddoominayey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday hay’adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS).
Qodobbada shirka diiradda lagu saaray oo muhiim ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa:
1. Xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS.
2. Dardar-gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya.
3. Horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga.
Ugu dambeyntiina, Wasiir Xagaa ayaa uga mahad-celiyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.
Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka amniga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo amni waara.
Si kastaba, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal badan ku bixineysa qorshaha xaqiijinta amniga dalka, xilli uu meel wanaagsan marayo amniga magaalada Muqdisho, oo ah caasimadda dalka.