Garoowe (Caasimada Online) — Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in malaayiin dollar ay Daacishta Soomaaliya marsiiyeen shirkadaha isgaarsiinta gudaha, iyaga oo isticmaalaya Simcards dhowr ah.
Xogta lacagahan ayaa la helay kadib markii ciidamada Puntland gaareen Calmiskaad oo saldhig u aheyd maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Deni ayaa shaaciyay in kooxaha geysta falalka ammaan xumo ay adeegsadaan taleefanada shirkadaha deegaanka, isagoo xusay in la helay xog muujinaysa in SIMs-ka shirkadahaasi ay qayb ka yihiin lacagaha malaayiinta ah ee kooxaha argagixisada, sida Daacish, ay u kala diraan gudaha iyo dibadda dalka.
“Malaayiin transaction ayaa la helay oo taleefano dhexmaray, shirkadahaan ay leeyihiin, lacagahaasna dibedda ayaa looga saaray loona diray Afrika iyo Asia,” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo sheegay in socdaalkiisii dhawaan ee deegaanka Calmiskaad lagu helay xog muhiim ah oo la xiriirta isticmaalka taleefannada gacanta ee ay adeegsadaan kooxahaasi.
Madaxweynaha ayaa si adag ula hadlay shirkadaha isgaarsiinta, isagoo xusay in shirkadahaasi aysan weli u hoggaansamin mas’uuliyadda kaga aaddan sugidda amniga, gaar ahaan marka laga hadlayo xogaha muhiimka ah ee dowladda uga baahan tahay baaritaanada la xiriira adeegyada muhiimka ah ee ay bixiyaan.
“Marka aad tiraahdo xaalad amni baa jirtee xogtaan noo gudbiya, waxay ku leeyihiin waa ammaano. Laakiin haddii qof yar oo dalka waxyeello u geysan kara uu hayo xogtaas, aniguna aan ahay mas’uul dowladeed aan garanayn, sow taasi khatar ma ahan?,” ayuu yiri Saciid Deni.
Waxa uu intaas kusii daray “Dowladdu ma dooneyso inay xoog ku maquuniso shirkadaha, balse waxaa loo baahan yahay in la yeesho iskaashi dhab ah oo lagu ilaalinayo amniga bulshada.”
Kooxaha argagixisada ah, sida Daacish oo kale ayaa waxay lacagaha baada ah ee ganacsatada iyo bulshada kale ee Soomaaliyeed ka qaado u isticmaala Simcards-ka ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta ee gudaha.