25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xogta wada-hadallo dhex-maray DF iyo 4 dal oo Yurub ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha ayaa waxay wada-hadallo xasaasi ah la yeetalatay afar dowladood oo waa wayn, kana tirsan qaaradda Yurub.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ku sugan Washington ayaa intii uu ku guda jiray ka qayb-galka shirka xiliga Gu’ga ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka wuxuu kulamo doceedyo la yeeshay mas’uuliyiin ka socda UK, Norway, Denmark iyo Germany.

Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalmiga ah ee Dowladda Norway Mr. Åsmund Aukrust, waxayna kulankooda diiradda ku saareen arrimaha mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda sida horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kobcinta wax soo saarka dalka iyo ka wada shaqeynta dhisidda hannaanka ka gudbidda aafooyinka dabiiciga ah.

Intii uu socday kulanka labada dowladood, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay Norway doorka muuqdo ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya iyo ka garabsiinta Dowladda barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka NTP.

Sidoo kale, wasiirka ayaa kulan kale oo wax ku ool ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Horumarinta Dibadda ee Dowaldda UK, kaas oo looga hadlay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, horumarinta hey’adaha maamulka iyo meelmarinta qorsheyaasha u dagsan kobcinta dhaqaalaha si ay fursado u helaan bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday natiijo aad u wanaagsan oo ku saleysan xiriirka dhaw ee Soomaaliya iyo UK, sida ay shaacisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, kulan lala yeeshay dowladda Denmark oo ay ka socdeen madaxda sare ee Xafiiska Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ayaa isna diiradda lagu saaray qorsheyaasha miro-dhalka ah ee horumarinta Maaliyadda, sare u qaadidda hannaanka dhaqaalaha dalka iyo maalgalinta ilaha wax soo saarka dalka ku waas oo ah fursado ay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Gabagabadii Marwo. Birgid Pickel oo ah Agaasimaha Guud ee Afrika Wasaaradda Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Germany iyo qaar kale oo kamid ah wafdiga Germany ayaa kulan gaar ah waxa ay la yeesheen wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayay Wasiir Biixi Imaan Cige, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo barnaamijka Qorshaha Isbaddalka Qaranka oo ah hannaan ay Dowladdu waqti gaar ah galisay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dowladda Germany uga mahadceliyay xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leeyihiin Soomaaliya iyo taageeradooda.

- Advertisement -

Read more

Local News