26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo maanga lagu laayay howlgal

Bookmark
Bookmarked

Share

Jamaame (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo kaashanaya Saaxibada Caalamiga ah ay maanta ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan oo Shabaab ah, laguna dhaawacay kuwa kale.

Ciidamada ayaa weeraray goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaannada Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay, iyo Maleyley, iyada oo lagu burburiyay godad iyo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha Khawaariijta ah, sida ay shaacisay Jubbaland.

Sidoo kale inta lagu guda jiray howlgalka oo cir iyo dhul ahaa ayaa waxaa la xaqiijiyay in 18 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta lagu dilay halka 32 kale lagu dhaawacay, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhanka kale, ma cadda khasaaraha ay la kulmeen ciidamada weerarka qaaday oo saddex dhinac ka koobnaa, kuwaas oo cagta mariyay fariisimihii Al-Shabaab ee aagga Jamaame.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan ciidamada ay howlgalladooda kasii wadaan  gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, si looga ciribtiro Khawaarijta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Jubbaland howlgallo iska daba joog ah ka wadday gobolkan, kuwaas oo lagu naafeeyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay sida wayn ugu xoogan yihiin  Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla saldhigyo waa wayn, xarumo maxkamadeed, kuwa maaliyadeed iyo goobo kale.

- Advertisement -

Read more

Local News