28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xogta weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Marka

Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Maleeshiyada weerarka qaaday ayaa beegsatay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin koonaha magaalada, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidanka Xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale, waxaa dagaalka kadib madaafiic ay Al-Shabaab u gaareeen xaafado ku yaalla Marka, taas oo uga sii dartay xaaladda ay maanta gashay degmadaasi.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay inay ka hortageen weearka Al-Shabaab, waxayna intaasi ku dareen in haatan ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa dalka iyo gadiidka, waxaana sidoo kale shaqeynaya goobaa ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Marka oo ah caasimada gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa NISA oo howlgallo joogta ah ka sameeya hareeraha magaaladaasi.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka socday guluf culus oo ka dhan ah kooxaha Khawaaijta oo weli ku sugan meelo kamid ah gobolkaasi, waxaana laga saaray deegaanno iyo degmooyin ay kamid yihiin Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Canoole.

- Advertisement -

Read more

Local News