Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa weerar ku qaaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen saraakiisha Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la socday, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Cag-cadde oo hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.
Mid kamid ah saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkooda uu qaatay 40 saacadood oo xiriir ah, ayna khasaare culus ku gaarsiiyeen argagixisada.
“Howlgal qaatay 41 saacadood oo ay fulinayeen ciidamada xaq u dirirka deegaanka iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed run ahaantii waxaan leenahay mujaahidiintu in Caga-cadde ay ku weerareen cadowga Khawaarijta” ayuu yiri sarkaalka hadlay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka sifeeyaan dhulkaas, ayna gaaraan illaa degmada Galhareeri iyo dhamaan iyo deegaanada u dhow.
“Waxaan rajeyneynaa inaan gaarno degmada Galhareeri iyo dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan, howlgalkana waa sida uu u bilowday” ayuu mar kale yiri.
Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta.
Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxaha Khawaarijta, waxaana iska kaashanaya ciidanka dowladda, daraawiishta Galmuddug iyo shacabka.