26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Xogta weerar lagu laayey Al-Shabaab oo macawiisleyda Hiiraan ay ka fuliyeen Aadan-yabaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Moqokori (Caasimada Online) – Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan galabta Maqribkii ku qaaday koox Khawaarij ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Caasimada Online u sheegay in Khawaarij badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii cadowgu ay halkaas kasoo maleegayeen.

Waxaa socota qiimeynta khasaaraha Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgalkaan caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxayna saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta.

Deegaanka ay duulaanka ka soo qaadeen difaacana uga jiraan geesiyaasha macawiisleyda reer Hiiraan ayaa 6 ilaa 10 KM u jira degmada Aadan-yabaal oo Arbacadii lasoo dhaafay ay dagaal qaraar kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku jabay dagaalkii Aadan-yabaal ayaa ku baxay wadada aadda degmada Guriceel, iyagoo ka wareegay Mudug si ay u soo maraan xeebta ee waqooyi uga soo galaan caasimadda Muqdisho.

Ciidamadii deegaanka ee reer Hiiraan ayaa weli difaac uga jira aaggii ay labo sano ka hor ka xoreysteen kooxda Al-Shabaab, waxayna caawa fuliyeen weerar ka hor tag ah oo khasaare badan ay ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Waqtiga uu howlgalkaan dhacay oo habeen ah iyo isgaarsiinta oo adag ayaa saamixi waayey in xog rasmi ah laga helo khasaaraha caawa la gaarsiiyey Al-Shabaab, balse saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay indhahooda ku soo arkeen meydad tiro beel ah oo hubkoodii ay kasoo durteen.

- Advertisement -

Read more

Local News