27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaallada ka socda Dhuusomareeb iyo Liibaan madaxweyne oo la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa si cad u sheegay iney la wareegeen gacan ku heynta magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud kadib markii xalay dagaal ka bilowday oo soo gaaray ilaa waaberigii saaka looga saaray magaalada.

Mursal Maxamed Xeefow, oo kamid ah saraakiisha Ahlu sunna ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka galgaduud.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ciidamada Ahlu sunna uu sheegay in si buuxda ay ula wareegeen gacan ku heynta magaalada.

Dhinaca kale saraakiil ku sugan magaalada DHuusomareeb ayaa sheegay in la qabtay saraakiil ka tirsan ciidamada Liibaan Madaxweyne uu hogaminayay.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna ay qabteen Liibaan Madaxweyne oo dhaawac ay, wallow aan la xaqiijin warkaasi.

Dagaalkii ilaa xalay socday ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay ku dhawaad 15 ruux oo ka kooban dhinacyada dagaalamay iyo dadka deegaanka ku sugan.

Waxaa la arkayay qiiq iyo holac magaalada is qabsaday waaberigii saaka, kadib markii dab uu qabsaday kaalin shidaal oo magaalada ku taal.

Ahlu sunna waxay sheegtay iney kusoo duuleen xubno ay soo hubeysay dowlada Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada iyo maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News