25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo maanta maleeshiyad ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin bannaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, taas oo cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan aagga lagu dagaalamay.

Saraakiil u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobaha lagu dagaalamay oo weli ciidamada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku direen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaad weerarka soo qaaday, ayna dhaawaceen tiro kale oo intaas ka badan.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo iyaguna wa soo saaray waxay baraha bulshada ku sheegteen inay khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa gudaha saldhigga, balse ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labad dhinac ee ku aadan daagalka.

Al-Shabaab ayaa marar badan soo weerartay deegaanka Burjeed, iyada oo marar badan lag jabiyay halkaasi, kadib markii looga layay xubno badan oo weerarka soo qaaday.

Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab oo xilligaas la laayay aya la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News