29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xubno ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo loo xiray qaraxii xarunta (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dhowr qof oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir u xiray qaraxii todobaadkii hore ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ee ay ku dhinteen guddoomiye Yariisow iyo xubno kale..

Dadka la xiray oo qaarkood ka soo muuqday Kaamirada wax duubta ee CCTV iyagoo la fadhiya ka hor qaraxa Haweeneyda la aaminsan yahay in ay ismiidaamisay ee Basiiro Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in dhowr jeer la kala qabtay.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa xiray Ciidamo ay qaarkood salaantay ama la istaagtay Gabadhaan looga shakisan yahay in ay is qarxisay ee Basiiro Cabdi Maxamed.

Shaqaalaha Gobalka ee maalintaas ku sugnaa Xarunta Dowladda Hoose islamarkaana maalin ka muuqday Kaamirada iyagoo la hadlaya ama la macaamilaya Basiiro ayaa la sheegay in la baadi goobayo.

Dadka la xiray ayaa waxaa ku socda su’aalo weydiin, waxayna u badan tahay in badankood ay gabadha ula hadlayeen aqoon kala dhaxeysay, sida ay sheegeen saraakiil aan la hadalnay.

Ilaa hadda hey’adaha amaanka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir 24kii bishii hore waxaana soo baxaya in uu gaabis ku socdo Baaritaanka Weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News