Xukuumada Muuse Biixi oo 24-saac kadib ka noqotay falkii lagula kacay Cirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa dib loo soo celiyay gaadhi uu lahaa gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Xukuumada Somaliland ayaa dhowaan gaadhigan waxay wiish kaga qaaday badhtanka magaalada Hargeysa, iyada oo geysay xerada ciidanka Birmadka, sida uu sheegay Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Batuun.

Talaabadan ay xukuumadu ku soo celisay gaadhiga gudoomiye Ciro, ayaa daba socoto xili uu xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani uu ku hanjabay in lasoo cesho gaadhigaasi, isagoo xukuumada Biixi-na u qabtay muddo dhan 24-saac inay kusoo celiso.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com