Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare ayaa si adag uga hadashay dibadbaxa mucaaradka ee maanta mar kale dib loo dhigay, kaas oo ujeedkiisu yahay mid ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay oo kulan la yeeshay waxgaradka iyo dhalinyarada Digil iyo Mirifle ayaa uga digay inay ka qayb-galaan dibadbaxa mucaaradka, wuxuuna sheegay in dhibaato ay kasoo gaari karto.
Xasan Eelaay ayaa sheegay in isku soo baxa uu sababi karo khasaare soo gaaro qofka ama in ay ka dhashaan rabshado waxyeeleen kara nabad-gelyada iyo hantida shacabka, uuna ka digayo in laga qayb-galo.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhalinyarada ku booriyay inay adkeeyaan nabad-geliyada oo ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee ku howlan xasilinta caasimada.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka, isaga oo guud ahaan shacabka ugu baaqay inay qaataan shahaadada, si ay fursad ugu helaan inay codeeyaan.
“Muhiimadda waxaa waayay in marka hore la’is diiwaangeliyo laga shaqeeyo diiwaangelinta sidaas daraadeed waxaan idinkaaga mahad-naqayaa sida aad isku diiwaangeliseen” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo makii labaad maanta dib loo dhigay dibadbixii waynaa ee mucaaradka, kadib kulan ay yeesheen xubno ka socday Dowladda Federaalka, Madasha Mucaarad iyo Guddiga Dhex-dhexaadinta, kuwaas oo ku heshiiyay in dib loo dhigo banaanbaxa markii labaad, iyada oo horey loo baajiyay banaanbixii kan ka horeeyay.
Dhinacyadan ayaa sidoo kale isku raacay in la magacaabo gudi ka kooban afar xubnood oo si wadajir ah uga shaqeeya habsami u qabsoomidda iyo goobta lagu qabanayo.
Si kastaba, qorshaha banaanbaxan ayaa ka dhashay xiisadda dhulka danta guud ee dowladda ka kicinayso shacabka degan, twas oo cirka kusii shareertay xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.