28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xukuumadda Xamza iyo gobolka Banaadir oo ku dhowaad $1 Milyan oo dollar ugu yaboohay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku yaboohday lacag dhan oo $500,000 oo doolar, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal, halka maamulka gobolka Banaadir uu ku yaboohay $200,000.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SODMA), Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wasiiradu ku yaboohday lacagtaan.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa sheegay in Golaha Wasiirada XFS ay tixgeliyeen warbixintii dhawaan ay soo saartay hay’adda SODMA ee ku aadan xaaladdaha bini-aadannimo ee ka taagan Gobolka Awdal.

Wuxuu xusay in lacagtan ay qayb ka noqon doonto dadaallada lagu yareynayo saamaynta abaarta, isla markaana ay gacan weyn ka geysan doonto xaaladaha degdega ah ee ka jira gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaaraka iyo bulshada caalamka inay gacan ka geystaan dadaallada gurmadka ah ee loogaga baahan yahay gaar ahaan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhinaca kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isna caawa $200,000 ugu deeqay gurmadka abaarta ka taagan gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta kulan la qaatay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ee laga soo doorto gobolka Awdal ee Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laba boqol oo kun oo doollar uu ugu yaboohay wax-ka-qabashada abaarta Awdal.

Mas’uuliyiintan ayaa Guddoomiyaha siiyey warbixin ku saabsan xaaladda murugsan ee abaarta ka taagan gobolkaas, iyo qeylo-dhaanta ba’an ee muddooyinkii dambe kasoo yeeraysay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Awdal.

“Guddoomiye Dr. Muungaab oo garwaaqsan muhiimadda isu-gurmashada ayaa ku dhawaaqay in Maamulka Gobolka Banaadir uu deeq lacageed oo dhan laba boqol kun oo doollar ($200,000) ku bixinayo sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka degdegga ah ee loo fidinayo walaalaha dhibaateysan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa iyo shacabka gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin garab-istaagga walaalahooda ku sugan Awdal, waxaana uu xusay in deeqda lacageed ee uu yaboohay lagu wareejin doono Hay’adda SODMA si loogu fuliyo gurmadka naf-badbaadin ee looga baaqsanayo in aafadu sii baahdo, oo ay salfato nolosha dad Soomaaliyeed.

Si kastaba, Yaboohan ayaa imanaya iyadoo gobolka Awdal uu ka mid yahay meelaha ay abaartu si ba’an u saameeyeen, taasoo keentay in boqolaal qoys ay waayaan xoolahoodii iyo nolol maalmeedkoodii.

- Advertisement -

Read more

Local News