24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Xukuumadda oo jawaab kulul siisay xildhibaannadii diiday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta jawaab siisay qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku dooday in aan latashi laga sameyn wax ka beddalka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee wax ka beddalka Dastuurka oo shalay uun loo gudbiyay guddoonka labada Gole.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la tashi guud la geliyay hannaanka wax ka beddalka Dastuurka, isla markaana ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in la tashiyada ay ahaayeen kuwa dadweyne, uuna ujeedka uu ahaa in la xaqiijiyo daah-furnaan buuxda.

“Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in dib-u-eegista dastuurka ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), iyo Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka (OC), iyagoo kaashanaya Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Hay’adahan ayaa fuliyay la-tashiyo dadweyne oo baahsan oo lagu qabday dawlad-goboleedyada oo dhan marka laga reebo Puntland si loo xaqiijiyo ka-qeybgal iyo daah-furnaan buuxda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay in Puntland oo kaliya ay ka maqneyd wadaa-tashiyada, isla markaana ay diiday inay ka jawaabto codsiyada loo diray, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Villa Somalia.

“Hay’adaha dastuuriga ah oo ay dawlad-goboleedyadu wakiillo ku leeyihiin, waxay si isdaba joog ah u direen codsiyo rasmi ah oo ku socday maamulka Puntland si uu uga qeybqaato la-tashiyada dadweyne ee deegaannada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland kama aysan qeybgelin hanaankaas sababo la xiriira arrimo siyaasadeed, halka Jubaland ay ka qeybgashay” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Iyadoo ay taasi jirto, hay’adaha dastuuriga ah waxay xaqiijiyeen in aan la xirin fursadaha ka-qeybgalka, iyagoo sameeyay madallo dhijitaal ah oo u sahlaya muwaadiniinta dhammaan gobollada dalka inay ka dhiibtaan aragtidooda. Sidoo kale, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa lagu casuumay kulamada la-tashiga isla markaana ka qeybqaatay”.

Ugu dambeyn Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dhammaan tallaabooyinkii macquulka ahaa la qaaday si loo hubiyo in la-tashiyada dadweynaha ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay, hufan, isla markaana waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News