26.4 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Xulka Soomaaliya oo ka yaabsaday dhigooda Ethiopia

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xidigaha xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta barbaro 3-3 ah la galay dhigooda Ethiopia.

Labada xul ayaa galabta isaga horyimid kulan ka tirsan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika oo ay sanadkan ka qeyb galayaan toban dal.

Kulankan oo ahaa kii saddexaad oo ay Soomaaliya ciyaarto ayey wiilasha Ocean Stars soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu aad u sareyso, iyagoo si la yaab leh usoo laba kacleeyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta oo ay u suurtagashay in iyadoo hogaanka looga hayo 3-1 ay ka dhigaan barbaro 3-3.

Xulka Soomaaliya oo aan weli wax guuldaro ah la kulmin, maadaama 3 kulan oo ay ciyaareyn ay barbaro la galeyn South Sudan, Kenya iyo martigeliyaha tartanka ee Ethiopia. Xulkan ayaa ciyaari doona kulankooda ugu dambeeya 24-ka bishan, iyagoo la ciyaari doona dhigooda Rwanda.

Dhinaca kale, Xidigaha waaweyn ee xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaar saaxiibtinimo oo ay la dheeleen xulka qaranka dalka Bahrain, waxay ugu adkaadeen 1-0, waana guushii labaad oo xulka qarankeennu uu ka gaaro xulka Bahrain.

Goolka guusha xulka qaranka Ocean Stars waxaa u dhaliyey ciyaaryahan Ciise Aadan, daqiiqaddii 24-aad. Kulanka galabta la ciyaaray, kulankii ka horreeyey Soomaaliya ayaa 2-1 uga adkaatay xulka Bahrain.

Guulahaas ayaa xulka xaranka u ah dhiirigelin muhiim ah, si ay u sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan horumarinta ciyaaraha iyo kulamada ay la ciyaarayaan xulalka kale ee ay wajahayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News