Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa soo saartay digniin kama dambays ah, iyagoo si cad u sheegay in joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Somaliland ay u arki doonaan “bartilmaameed ciidan oo sharci ah.”
Hanjabaaddan oo lagu baahiyay warbaahinta kooxda ee Al-Masirah, ayaa sii kordhinaysa xiisadda ka aloosan gobolka, maalmo un kadib markii Israa’iil ay shaacisay inay Somaliland u aqoonsatay dowlad madax-bannaan—tallaabo ay ku gacan sayreen Soomaaliya iyo inta badan beesha caalamka.
Hoggaamiyaha kooxda, Cabdul-Malik al-Xuuti, ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay tallaabada Israa’iil “fal cadaawadeed” iyo “xadgudub qaawan.” Wuxuu sheegay in ujeedka Israa’iil uu yahay inay “cago-dhigato” Geeska Afrika si ay u handaddo Yemen, qaybna uga noqoto qorshe ballaaran oo uu ku sifeeyay mid lagu doonayo in lagu beddelo khariidadda Bariga Dhexe.
“Waxaan qaadi doonnaa dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah ee lagu taageerayo mowqifkeenna… oo ay ku jirto inaan joogitaan kasta oo Israa’iil ee Somaliland u aqoonsanno bartilmaameed u bannaan ciidamadeenna qalabka sida,” ayuu yiri Al-Xuuti.
Wuxuu intaas ku daray inaysan marnaba aqbali doonin in qeyb ka mid ah Soomaaliya loo beddelo fariisin cadowga leeyahay, isagoo arrintan ku tilmaamay mid halis ku ah madax-bannaanida Muqdisho iyo amniga Badda Cas.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsiga uu Jimcihii ku dhawaaqay ku tilmaamay tallaabo xasillooni abuuraysa oo waafaqsan heshiisyada Abraham Accords. Hase yeeshee, hoggaanka Xuutiyiinta ayaa diiday dooddaas, iyagoo ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn.
Al-Xuuti wuxuu aqoonsiga ku sifeeyay mid “waxba kama jiraan ah” (null and void), isagoo ku dooday inuusan wax qiimo ah ku lahayn sharciga caalamiga ah. Wuxuu is-waydiiyay, “Maadaama Israa’iil ay tahay awood gumaysi oo haysata dhulka Falastiin, oo aysan iyaduba haysan sharciyad akhlaaqi ah, sidee bay cid kale u aqoonsan kartaa?”
Wuxuu ka digay in Tel Aviv ay qorshaynayso inay Somaliland ka dhigato saldhig ay kasoo weerarto Soomaaliya, Yemen, iyo dalalka kale ee Carabta iyo Islaamka.
Somaliland waxay ku jirtaa masaafo ay gaari karaan hubka iyo gantaallada Xuutiyiinta. Falanqeeyayaasha amniga ayaa aaminsan in Israa’iil ay isha ku hayso dekedda Berbera si ay u xoojiso awooddeeda ka dhanka ah khataraha Iiraan ee ka imaanaya Yemen.
Marka la eego weerarradii ay Xuutiyiintu ku qaadeen in ka badan 100 markab oo ganacsi tan iyo 2023-kii, digniintan ayaa muujinaysa inay diyaar u yihiin inay colaadda Badda Cas usoo ballaariyaan dhanka Geeska Afrika.
Hanjabaaddan ayaa kusoo aadaysa iyadoo dunidu si weyn u diiddan tahay tallaabada Israa’iil. Maraykanka, Midowga Yurub, iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood si cad u taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

