Yaa gudoomin doono shirka doorashooyinka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisay shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inuu saacadaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu shirka ka dhacayo teendhada Afisyoone oo ku dhextaalo xerada Xalane, wuxuuna tilmaamay inay soo xaadireen ka qeyb-galayaasha marka laga reebo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo isna maanta la sugayo.

“Waxa saaka furmaya Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS. Madaxda ka qeyb galeysa shirka waa ay soo wada xadireen, waxa u dambeeya oo goor dhow inshallah soo dagaya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe” ayuu yiri Macalimu.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkan oo ah mid xasaasi uu guddoomin doono ra’iisul wasaare Rooble oo isagu isku soo daba riday, kadi gadaal markii uu si rasmi ah loogu wareejiyey qabsoomida arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale ammaankeeda.

“Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay,” ayuu sii raaciyey Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah afhayeenka xukuumadda Somaila.

Inta uu socda shirkan waxaa ka qeyb-galaya oo goobjoog ah madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, duqa Muqdisho iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka, sida HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo gobolka Banaadir.

Qabsoomida shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah looga gaaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba dib u dhac kooban ayaa ku yimid furitaanka shirkan oo qurshuhu ahaa inuu billowdo 20-kii bishan, kadib is-bedal ku yimid xilliga imaashaha madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dib uga soo dhacay waqtigii loogu talagalay.