28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Yaa kale oo sheegtay hubkii saarnaa markabka marka laga yimaado Turkiga?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka hubka siday ee dhawaan u gacan galay maamulka Puntland ayaa waxaa soo baxday in uusan u rarneyn oo keliya xarunta tababarka ciidamada ee TÜRKSOM, balse ay jirto jiho kale oo hubkaasi wax ku leh.

Puntland ayaa sheegtay in Safiirka Turkiga uu lasoo xiriiray, uuna u sheegay in hubkaasi u rarnaa Turkiga. Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in shixnadda saaran markabkaas ay wax ka leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Tan yaabka leh ayaa ah in shixnadda saaran markabka ay qabsatay Puntland uu siday saanad milatari iyo hub fara badan, iyadoo Dowladda Federaalka aysan bixin faahfaahin intaas ka badan.

“Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku sidoo kale waxa uu siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaan shalay kasoo baxay Dowladda Federaalka.

Madaxtooyada Puntland oo xalay si rasmi ah uga jawaabtay hadalkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku eedeysay in Puntland burcad-badeednimo kula kacday markabka MV Sea World, ayaa ku tilmaamtay eedeyntaasi mid “degdeg ah oo aan sal lahayn,” maadaama baaritaanku weli socdo.

“Waxaan caddeyneynaa in dhammaan shixnadda saaran markabka MV Sea World ay tahay agab ciidan (military equipment), mana jirto wax ganacsi ah oo saaran,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu yiri: “Ilaa hadda, Dowladda Federaalka ma aysan caddeynin cidda iska leh markabka, halkii laga rabay in baaritaanka la sugo ayay si degdeg ah u soo saartay warar aan sal lahayn.”

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa sii kordhinaya shakigii uu hore maamulka Puntland uga muujiyay markabka hubka sida, maadaama ay jirto jiho kale oo Turkida aheyn oo u rarnaa, waana arrinta uu hadda maamulku ugu andacoonayo sii haysashadiisa.

- Advertisement -

Read more

Local News