Dar es Salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa guul weyn ka gaartay doorashadii dalkaasi iyadoo heshay ku dhawaad 98% codadka, sida ay subaxnimadii maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku.
“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, isagoo ka hadlaya telefishinka qaranka.
Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.
Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay siinayaan Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho muddo shan sano ah.
Suluhu waxay talada qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli.
Dhinaca kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in aanay awoodin in ay xaqiijiso tirada dadka ku dhintay mudaharaadyadii dhacay kaddib doorashada Arbacadii toddobaadkan, iyadoo rabshadaha doorashadau ay galeen maalintoodii saddexaad.
“Waqtigan xaadirka ah cidna ma sheegi karto inta qof ee dhimatay ama dhaawacantay. Waxaan weli helaynaa warbixinno ku saabsan hanti gaar ah oo la burburiyey, gaadiid, hanti dadweyne, iyo gaadiidkii shirkadda korontada ee TANESCO oo la gubay. Waqtigan ma hayno tirakoob dhammaystiran, ilaa dowladda ay hesho warbixin buuxda, markaas ayaana la heli karaa tiro sax ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Mahmoud Thabit oo la hadlay BBC-da.
Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas.
Sidoo kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xaddiday internet-ka aanay ujeeddadoodu ahayn in lagu caburiyo muwaadiniinta, balse ay yihiin kuwo lagu sugayo amniga, iyadoo shacabka ku wargelisay in adeegyada internet-ka ay si dhow dib ugu soo laaban doonaan.

