Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Stadium Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo finalka xiisaha lahaa ay foodda is dareen degmooyinka Howl-wadaag iyo Warsheekh.
Kooxda degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Warsheekh.

Inkasta oo Warsheekh aysan ka tirsaneyn gobolka Banaadir, maadaama ay hoos timaaddo gobolka Shabeellaha Dhexe, haddana waxay tartanka uga qeyb gashay si marti ah, iyadoo sameysay mucjiso dhab ah kadib markii ay gaartay finalka, taas oo noqotay arrin dad badan ka yaabisay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa goob joog ahaa Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, halkaas oo ay ku daawanayeen ciyaarta finalka.
Sidoo kale, garoonka waxaa soo buux dhaafiyey kumannaan shacab ah oo kala taageersan labada degmo, iyadoo daawashada ciyaarta kama dambaysta ah ay goob joog ka ahaayeen madaxda Dowladda Federaalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.
Si kastaba, ciyaarta kama dambaysta ah ayaa ahayd mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar xiiso leh, balse ugu dambeyn waxaa 2-1 guushu ku raacday kooxda Howl-wadaag, taas oo sidaas ku noqotay horyaalka cusub ee gobolka Banaadir.
Macallinka kooxda Howl-wadaag, Macallin Xamaam, ayaa maanta dhigay taariikh kale oo weyn, isagoo noqday tababaraha kaliya ee laba sano oo xiriir ah difaaca koobka degmooyinka Banaadir, isaga oo labada jeer kala qaaday labo degmo oo kala duwan.
Xamaam sanadkii hore wuxuu koobka kula guuleystay degmada Kaaraan, isaga oo aan hal kulan laga badin.
Sanadkan wuxuu koobka kula guuleystay degmada Howl-wadaag, sidoo kale isagoon hal kulan laga adkaanin.






