27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Yaa kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee maanta Cadaado ka dhacday?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub Somalia.

Doorashada oo aheyd mid xiisa badan ayaa waxaa ku tartamaayay xubno miisaan ku dhexleh Somalia waxaana looga itaal roonaaday qaar kamid ah xubnahaasi.

Doorashadan ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya, waxaana Doorashada ay aheyd mid xiiso badan.

Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Faarax Cabdi Xasan oo helay 44 cod, waxa uuna sidaa uga guuleystay Aamino Daahir Daahir Salaad oo heshay 2 cod.

Yuusuf Diiriye Maxamuud oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada kursigii maanta lagu doortay Magaalada Cadaado, waxa uuna sheegay in Doorashada uu kusoo baxay Faarax Cabdi Xasan.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in doorashada ay halkeeda kasii socoto, waxaana tartami doona xubno Siyaasiyiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News