Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ah Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa warar ku dhow dhow Madaxtooyada waxay sheegayaan inuu ugu cad cad yahay siyaasiyiinta ka mid noqonaya wasiirada cusub.
Ra’iisul wasaaraha cusub Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo la sheegay inuu diyaarshay wasiirada cusub ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ah wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wasiir buuxa loo magacaabi doono Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo muddo ahaa wasiir ku xigeen.
Asbuucaan intuusan dhamaan ayaa la hadal hayaa in Ra’iisulwasaaruhu ku dhawaaqi doono xukuumada cusub waliba si gaar ah waxaan xog ku helnay in arbacada ay noqon doonto maalinta lagu dhawaaqi doono Wasiirada cusub.
Si kastaba Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Jubooyinka ee aad u firfircoon marka la eego siyaasada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]