San’a (Caasimada Online) Wariye ka tirsan VOA-da oo ku sugan dalka Yemen, ayaa sheegaya in lix qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaallo kooxo suniyiin ah iyo shiico ku dhexmaray gobalka Sacda ee dalka Yemen.
Wariyaha ayaa sheegay in dagaalka uu billowday markii kooxo suniyiin ah ay Machad Islaamka lagu barto ay ka dhiseen gobalka Sacda oo ay ku xooggan yihiin kooxaha xuutiyiinta ee Shiicada.
Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan dagaalkaas in ay ku dhaawacmeen ilaa 20 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qaar kood wax ku baranayay Machadka ay lee yihiin kooxaha suniyiinta.
Dadka Soomaalida ee ku dhintay Yemen, waxaa qaarkood ay wateen baasabooro Yurub ah, oo waddamada Yurub ayey ka yimaadeen waxaana soo badanaya Soomaalida ku nool gobalkan.
Wariyaha ayaa sheegay in Soomaali badan ay guryo ka sameesteen gobalka xilliyadii ugu dambeeyay.
Yemen waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo dalkaas tagay muddadii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalkii hooyo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka