27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Yey ka degi la’day Muqdisho? DFS oo shaacisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in amaan darida ka taagan magaalada Muqdisho ay wadaan shaqsiyaad ka soo horjeeda nabadgalyada magaalada Muqdisho.

Wasaarada amniga Qaranka, ayaa sheegay in qalqal galinta lagu hayo amaanka magaalada Muqdisho ay tahay mid looga soo horjeedo isbedelka Siyaasadeed ee uu dalka ku jiro gaar ahaan kan 2016-ka.

C/kaamil Macalin Shukri oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegay in laamaha amaanka aysan ka quusan doonin shaqsiyaadka ku shaqeysanaaya qalqal galinta amniga Muqdisho, waxa uuna tibaaxay in amni darida ka taagan magaalada Muqdisho ay tahay mid ay wadaan dad gaar ah oo kasoo horjeeda in Somalia ay ku talaabsato amni iyo isbedel Siyaasadeed.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Dowladu ay heyso baaritaano ku aadan shaqsiyaadka qalqal galinaaya amaanka magaalada Muqdisho, waxa uuna farta ku goday in shaqsiyaadkaasi ay isugu jiraan dhowr nooc balse ay soo bandhigi doonaan waxay doonaanba ha noqdeen.

Dhanka kale, Wasaarada amniga ayaa ka digtay in shaqsiyaadkaasi sida gaarka ah loo ugaarsanaayo lasiiyo gabaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News