27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Yey wax ka tabanayaan reer Somaliland iyo madaxdooda: Ma dowladdii hore ee Siyad Barre mise dadweynaha Soomaaliyeed?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Inta aanan u gelin cidda ay wax ka tabanayaa taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyo madaxdooda: Ma dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Alaha u naxariistee Madaxmed Siyaad Barre mise dadweynaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen. Aan marka hore wax yar ka waramo cidda dhistay maamulka Soomaaliland iyo halka ay ka soo jeedaan dadka taageeraba, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonta waxa aan ka hadli doonno haddii uu Rabbi dimo.

Maamulkan,  Ayaa waxaa dhisay jabhaddii la oran jiray SNM ee ay lahaayeen siyaayiin ka soo jeeddey beesha Isaaq ee wax ka degta gobolada Waqooyi ee dalkeenna. Siyaasiyiintan, Ayaa ka soo horjeesatay dowladdii Maxamed Siyaad, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay gacan bidxeysay xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen dadka reer Waqooyiga ah. Waxa ayna taasi keentay in ay isku dhiibaan taliskii Xabshida ee waagaasi ka jiray Itoobiya, Si ay markaasi uga soo qaataan hub ay kula dagaalamaan Dowladdii xiligaasi ka jirtay Soomaaliya.

Siyaasiyiintan iyo jabhaddii ay soo dhiseen, Ayaa waxa ay soo galeen dagaallo qaraar oo ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaanno ku yaallo dhinaca Waqooyi, Iyagoo waliba isticmaalayo hubkii ay Xabashidu soo siisay, Taana waxaa ka dhashay in ay xoog uga hortagto Dowladdii Maxamed Siyaad oo waajibaadkeedu uu ahaa in ay dalka ka difaacdo cid kasta oo soo weerarta inkasta oo ay isticmaashay awood xad-dhaaf ah. Waana halkaasi halka ay ka bilaabatay dhibaatada xoogeedda, waayo waxa ahayd in ay wax walbo ku xaliso wadahadal iyo is afgarad.

Dagaallo qaraar ka dib, Waxaa u suurgashay SNM-ta in ay qabsato dhul badan oo ku yaalay dhinaca Waqooyi, Iyadoona halkaasi ka geystay gaboodfallo badan sida kuwii ay ka geysatay gobolka Awdal oo kale. Dhowr shir oo meelo kala duwan lagu qabtay ka dib, Ugu danbeyn waxa ay ku dhawaaqeen dhismaha maamul cusub iyo in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, Taasi oo runtii ahayd balanqaad ay Isla ogaayeen Iyaga iyo Itoobiya sida uu qireyba Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AU Cabdulaahi Yuusuf mar uu u waramaayey TV-ga Universal.

Cabdulaahi, Ayaa wareysigaasi ku sheegay in Xabashidu ay si hoose ula shaqeyneysay SNM-ta sidii ay uga go’i lahaayeen Soomaaliya inteeda mar alaale iyo marka ay dhulkaasi qabsadaan. Waana halkaasi halka ay ka timid fikradda gooni-isutaagga iyo wada shaqeynta hoose ee maanta ka dhaxeysa Xabashida iyo maamulka Soomaaliland ee hadda jira. Waxa uu sidoo kale Cabdulaahi sheegay, in SNM-ta ay ka codsadeen in ay la midoobaan balse ay ka diideen. Taasina, Waxa ay tusisay in waxa la duminayo aanu aheyn taliska Maxamed Siyaad, balse ay Soomaaliya tahay.

Haddii aan ka sheekeyney qaabka uu u dhismay maamulkan ay horboodayaan cilimaaniyiintan gumeysi kal-kaalka ee maanta sababta u noqday in Itoobiya la siiyo dakhli ka soo xarooda dekad Soomaaliyeed. Aan markan ka waramo wax ay yihiin dadka taageera Maamulkan Xabashi kalkaalka ah. Nidaamkan, Ayaa waxaa taageera dad u badan beesha Isaaq, halka beelaha kale ee Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ka soo jeedana aysan maamulkaasi taageersaneyn marka laga reebo dad yar oo dhuuni-raac ah.

Tusaale ahaan, Marka aad la sheekeysato dadka Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ka soo jeeda, gaar ahaan kuwa ku abtirsada qabaa’ilada kala ah Gudabiirse, Dhulbahante, Ciise, Warsangeli iyo kuwa la midka ah, Waxa ay dhamaantood kuu sheegayaan in aysan taageersaneyn fikiradda gooni-isutaagga balse aysan dhib u arag wixii kale ee la sameysto, Waana halkaasi halka uu Maamulkaasi aanu ka heli doonin wax ictiraaf ah. Sidoo kale, Marka aad la sheekeysato qaar ka mid ah Culimda, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo dadka caadiga ee Iyana ka soo jeeda beesha Isaaq, iyaguna waxa ay kuu sheegayaan aragti taa la mid ah.

Sidee loo ictiraafayaa yaa turaa maamul ay sameysay beel Afrikaan ah ? Aduunyaduse ma waxa aad u maleyneysaan inayan la soconin waxyaabaha ka dhacayo deegaanda uu Maamulkaasi ka taliyo iyo sida uu u dhisan yahayba ? Marka aad u fiirsato waxyaabaha ka dhacayo deeganadaasi, Waxaa runtii kuu soo baxaysa wax aad la yaabto ama aad ku qososho. Tusaale ahaan, Waxa aad maqleysaa beel la leeyahay waxa ay ka soo baxday xisbi hebel oo waxa ay ku sii socotaa xisbi kale, halka mid kalena ay ku sii biireyso xisbigii laga soo baxay !!

Waxaad kaloo arkeysaa rag la leeyahay waa mujaahidiin oo ay ula jeedaan raggii ka tirsanaan jiray jabhaddii SNM oo runtii u badnaa rag calmaaniyiin oo reero balwad ah. Sidee mujaahid loogu tilmaami karaa shaqsi ay Xabashi soo hubeysay, Islamarkaana la dagaalamayo dadkii uu ka dhasahay ? Maxaase diinta loogu cayaarayaa ? Waxaad kaloo arkeysaa wax ay ku tilmaamayaan xisbiyo siyaasadeed oo hadana ku saleysan jifooyin isximinayo, halka waxan ay ku sheegayaan guurtidana ay noqotay goob la isku dhaxlo sida uu Faysalba sheegay ?

Maamulkan, Ayaa xoogeystay tan iyo markii ay Dowladda Federaalka madaxweynayaal ka noqdeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, Kuwaasi oo xariga u u dabciyey maamul doonayo in uu ka go’o dalkii ay madaxweynayaasha ka ahaayeen, Taasi oo runtii  ku tusineysa damiirxumadooda iyo heer ay gaarsiisan tahay daacadnimada ay u hayaan dalkan ay musiibada ku habsatay. Sidee loo kolkoolinayaa maamul doonayo in uu kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka ? Sow ma’ahaynse in la cadaadiyo inta uu ka tanaasulaayo fikradda gooni-isutaagga ee uu ku hadaaqayo ?

Waxaan ka rajeynayaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Farmaajo in ay si dhab ah u wajihi doonto Maamulkan maadaama uu qatar ku yahay midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaalida iyo waliba kiyaankooda. Waxaan kaloo rajeynayaa in ay dajajin doonaan dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo waliba Awdal State, Si ay markaasi u noqdaan culeys ku qasba Nidaamkaasi in uu ka tanaasulo fikraddooda ku aaddan gooni-isutaagga. Farsamadan, Ayaa ah mid wanaagsan waa haddii si fiican loo isticmaallo.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo cidda ay wax ka tabayanayaan taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyo madaxdooda: Ma dowladdii hore ee Maxamed Siyaad mise dadweynaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen. Anigu, Runtii waxaan waagii hore u haystay in cidda ay wax ka tabanayaan ay tahay taliskii hore ee Maxamed Siyaad maadaama uu Isagu la dagaalamay, laakiin hadda waxaa cadaatay in cidda cadowga lagu yahay ay tahay Umadda Soomaalida sida ay Iyaguba ay qirtaan.

Sidan soo sheegeyba, Nimankani waxa ay dagaal kula jiraan guud ahaan dadka Soomaalida maadaama aanu maanta jirin taliskii Maxamed Siyaad, Taana waxaa daliil u ah hadalada maalin walba ka soo baxa afkooda ee aan waliba lala gabaneynin. Tusaale ahaan, Waxa arkeysaa Iyagoo si toos ah u weerarayo dadka Soomaalida ee ku nool Koonfurta iyo Bartamaha dalka. Waxaad kaloo arkeysaa Iyagoo hadallo xun xun u isticmaalayo dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Hadaba, Maxay galabsadeen dadka reer Koonfureedka ee maanta nool ? Waa maxayse waxa ay Muqdisho bi’isay ?

Ma taliskii Maxamede Siyaad baa maanta jira mise Soomaalida eegga joogta ayuu Isagu dhalay ? Maxay haleeyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta iyo Bartabaha Wadanka mise dadka oo dhan ayaa Daarood ah ? Ma iyaga kaligood baa wax ka tabanayo taliskii Maxamed Siyaad ? Aawayse dhibaatooyinkii loo geystay beelaha kala ah Majeerteen, Hawiye, Ogaadeen iyo kuwa kale oo badan ? Maxaa dhibkooda ka dhigay mid ka duwan dhibabka dadka kale ?

Maxaa lagu fasiri karaa marka Oday ka tirsan golaha Guurtida ee Maamulkaasi uu Xabashida ugu baaqayo in ay ka faa’iideysato fursadaha maanta horyaallo oo uu ula jeedo in ay leyso dadka Soomaalida ee ku dhaqan Koonfurta iyo Bartamaha dalka, Islamarkaana qabsato dhulkooda ? Maxaa kaloo lagu fasiri karaa cayda, yasidda, taxriidka iyo naceybka gaamuray ee maalin walba hawada lagu sii deynayo ? Maxayse reer Koonfureedku galabsadeen ? Sow mar hore ma dhicin taliskii Maxamed Siyaad, Islamarkaana kama soo wareegin 27 sano ? Sow Alaah ma oran walaa taziru waa zirantan wisra ukhraa ?

Waxaa tusaale kale ah, hadalada fooshaxun ee maalin walba ka soo baxa Faysal Cali Waraabe oo runtii ka mid ah rumuusta waa weyn ee uu Maamulkaasi ku taagan yahay. Faysal, Ayaa hadda ka hor sheegay in wiilka Adis Ababa uu ka jecel yahay wiilka Muqdisho, Hadalkaasi oo runtii muujinayo heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda ku jirta. Waxa kaloo uu sheegay in uu toogan lahaa C/maalik haddii uu Isagu hayn lahaa xukunka Soomaaliland tagista uu Muqdisho tagay darteed. Maxaa danbi ka dhigay tagista Muqdisho oo aysan danbi u ahayn tagista Adis ? Aaway walaalnimadii iyo iimaankii  Islaamka ?

Walaalayaal, Waxa ay marayaan taageerayaasha mamulka Soomaaliland iyo madaxdooda in ay maanta ku faanaan in Itoobiya la siiyo hanti ka soo xaroota dhul Soomaaliyeed, Iyadoo aan la garaneynin sababta ay ku qaadan karto. Marka aad taariikhda dib u jaleecdo,  Waxaa runtii kuu soo baxaysa in nimanka maanta horboodayo Maamulkan Soomaaliland aysan wax badan ka duwaneyn kuwii Ingiiriiska la safnaa ee Daraawiishi dagaalka kula jiray. Alla maanta shalay u ekaa. Sow ma’ahayn maahmaah carbeed: Attaariikhu yuciidu nafsah.

Arimaha aan soo sheegey iyo kuwa kale oo lagu darayba, Ayaa dhacayo xilli aysan Soomaaliya ka jirin dowladdii Maxamed Siyaad, bal ay ka sii maqan tahay ku dhawaad 27 sano. Hadaba, Maxaa keenayo cayda, taxriidka, yasidda iyo waliba naceybka gaamuray ? Ma Siyaad Barre ayaa nool mise Soomaalida maanta joogta ayuu Isagu dhalay ? Ma lagu eedeyn karaa dadka reer Koonfureedka ee maanta nool dhibaatooyinkii ay geystay dowladdii Maxamed Siyaad ee ay ka buuxeen dad reer Waqooyi ah ? Jawaabtu waa maya waa haddii uu jiro caqli ka badbaaday balwad iyo nifaaq.

Aniga, Xaqiiqdii waxaan ka sugaayey in nimanka maanta horboodayo maamulka Somaaliland ay oran doonaan: War Soomaali ha isu timaaddo, Islamarkaana ha dhisato nidaam wanaagsan oo qof walba oo Soomaali siiya xaqiisa maadaama uu meesha ka baxay taliskii Maxamed Siyaad, laakiin nasiibadarre taa ma dhicin. Bal waxaa loo booday dhina kale iyo dalkii la kala qeybiyo, Iyadoo la fulinayo qorshayaashii cadowga. Mashruuca SNM waa mashruuc Xabasho iyo mid Falaasho halka deeganadaasina ay yihiin goob qabiil iyo mid qabyaaladeed.

Tan kale, Waxaa yaab leh in Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka ee beesha Isaaq ay ka aamusaan ficilada foosha xun ee maalin walba ka soo baxayo dadka horbooda Maamulkaas iyo waliba kuwa taageera. Tolow, Ma waxa ay hadli doonaan marka laga ficilceliyo naceybka gaamuray iyo gaboodfalada wada socda ? Sow lama ogo in Villa Soomaaliya uu maanta ka taliyo shaqsi ay ku weyn tahay midnimada iyo madaxbanaanida dalka ? Sow lama ogase in Madaxweynaha uu haysto taageerada Soomaaliweyn meel kasta oo ay joogtaba oo ay Jabuuti ku jirto ? Ma la aqbali karaa in beel ay ku cayaarto mustaqabalka Umadda ? Kallaa walaahi.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan mar kale isweydiinno su’aashii aan cinwaanka uga dhignay qormadeena oo ahayd: Yey wax ka tabanayaan taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyo madaxdooda ma dowladdii hore ee Maxamed Siyaad mise dadweynaha Soomaaliyeed ? Ma sidan moodeyney mise siday noqotay. Anaga, Waxaan moodeyney in ay wax ka tabanayaan dowladdii hore ee Siyaad Barre maadaama ay dagaaalantay laakiin hadda waxaa cadaatay in ay dagaal kula jiraan Soomaaliweyn meel kasta oo ay joogtaba mar haddii ay naceyb u muujiyeen Iyagoo tiro iyo tabarba yar.

W/Q: Maxamed Ibrahim (Ragow)
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News