Kampala (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Uganda Yoweri Museveni ayaa xaqiijiyey inuu damacsan yahay inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee sannadka soo socda, taasoo suurtagal ka dhigaysa inuu xukunkiisa dalkaas bariga Afrika ku dhowaado nus qarni.
Qoraal uu soo dhigay barta X fiidkii Sabtida, ayuu Museveni ku sheegay inuu “soo bandhigay xiisihiisa ah inuu u tartamo… jagada musharaxa calan-sidaha” ee xisbigiisa talada haya ee National Resistance Movement (NRM).
Hoggaamiyahan 80-jirka ah ayaa talada Uganda hayey tan iyo 1986-kii, markaasoo uu awoodda kula wareegay kaddib dagaal jabhadeed oo uu hoggaaminayey muddo shan sano ah.
Xisbiga talada haya ayaa laba jeer oo hore wax ka beddelay dastuurka si uu Museveni ugu suurtageliyo inuu xukunka sii dheeraysto, waxaana dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inuu adeegsado ciidamada ammaanka iyo maamul-siyaasadeed ku dhisan abaal-marin si uu awoodda gacanta ugu sii hayo. Wuu iska diiday eedeymahaas.
Museveni wuxuu sheegay inuu dib-u-doorasho u raadinayo si uu dalka u gaarsiiyo “dhaqaale dhan $500 bilyan shanta sano ee soo socota.” Sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda, Wax-soosaarka Guud ee Dalka (GDP) ee Uganda ayaa hadda lagu qiyaasaa $66 bilyan oo doollar.
Dalku wuxuu qaban doonaa doorashadiisa madaxtinimo bisha Janaayo ee sannadka soo aaddan, xilligaas oo ay cod-bixiyeyaashu sidoo kale dooran doonaan xildhibaannada baarlamaanka.
Ninka sida weyn ula tartami doona Museveni ayaa noqon doona fannaankii isku beddelay siyaasiga ee Bobi Wine, kaasoo kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxtinimo ee ugu dambaysay sannadkii 2021, isla markaana horey u xaqiijiyey damaciisa ah inuu tartamo 2026-ka.
Wine, oo magaciisa saxda ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa diiday natiijadii doorashadii 2021, isagoo sheegay in guushiisa lagu dhacay ku-shubasho, handadaad ay gaysteen ciidamada ammaanka iyo wax isdaba marinno kale.