Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii Bankiga Soomaaliya Yusur Abraar ayaa ka hadashay dhaqaalaha Soomaaliya loogu talao galay iyo musuqa lagu sameeyo.
Yusur ayaa sheegtay in daaraha waaweyn ee magaalada Nairobi in laga dhisay dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqay balse la leexsaday, sida ay sheegtay.
Soomaaliya ayay sheegtay in magaceeda sanad kastaa lagu qaataa balaayiin doolar, balse si musuq ah ay ku baxdo.
Yusur Abraar ayaa aheyd Gudoomiyihii hore ee Bandhiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo xilkaasina ay iska casishay, waxaana ay sababta xilkaasi isaga casishay ku sheegtay in musuq maasuq uu ka jiro Hay’adaha dhaqaalaha ku shaqada leh Soomaaliya.
Dhaqaalaha Soomaaliya ayay sheegtay in haddii si wanaagsan wax loogu qaban lahaa ay kasoo bixi lahaayeen natiijo shacabka ku farxaan balse ma aysan dhicin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqidsho
[email protected]