26.6 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Yuusuf Garaad ma wuxuu qeyb ka yahay isbaheysiga cusub ee Shirdoon?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa xaqiijiyay in uusan kamid aheyn isbaheysiga cusub ee Midowga Haybad Qaran, kaasi oo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) u doortay inuu noqdo murashaxa xisbigan ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Yuusuf ayaa soo dhaweeeyay xisbigan cusub, isagoo bogaadiyay siyaasiyiinta sheegay in ay ku bahoobeen hal murashax. “Kama mid ahi, se waan soo dhoweynayaa walibana aan bogaadinayaa siyaasiyiinta sheegay in ay ku bahoobeen hal Murashax oo ah Ra’iisal Wasaare hore, Saacid Faarax Shirdoon,” ayuu yiri.

Isbaheysigan cusub ayuu ku tilmaamay mid ugub ah, inkastoo Soomaaliya aysan ku cusbayn in siyaasiyiin dhowr ahi ay isku waafaqaan hal murashax madaxweyne.

“Waxaa ugub ah in dhowr siyaasi oo qaarkood hore ugu tartamay Madaxweyne, mid kastaana uu madax u yahay ama uu ka tirsan yahay urur siyaasadeed ay isku waafaqaan hal murashax,” ayuu Yuusuf Garaad ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Waqtiga ayaa sheegi doona in ay taasi wax uga goyn doonto teendhada muragada oo marka mid laga reebo, tobannaanka murashax ee subaxa doorashada farxadda ku tagaa ay dhammaantood la soo hoydaan guuldarrada.”

Isniintii, hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socday ururro, xisbiyo iyo madallo kala duwan oo dalka caan ka ah ay ku dhawaaqeen isbaheysigan siyaasadeed oo ah mid ballaaran

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen, hoggaamiyeyaashan oo muddo wadatashiyo ku jiray ayaa lagu shaaciyay in xisbiga cusub ee ay ku midoobeen loogu magac daray “Midowga Haybad Qaran.”

Midoowgan ayaa yimid kadib kulamo isdaba joog ah oo si qoto dheer looga falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midnimada ummadda.

Hoggaamiyeyaashu waxay isla qireen “dhaawaca gaaray midnimada iyo wadajirka dalka, burburka dhaqaalaha, dayaca adeegyada bulshada iyo rajo beelka ka muuqda dowladnimada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, waxaa dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa shirweynaha guud ee aasaaska xisbigan, kaas oo si rasmi ah loogu shaacin doono murashaxnimada Mudane Shirdoon.

Hoggaamiyeyaasha ku midoobay isbaheysigan ayaa waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka:

  • Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya ay durba, sare u kacday marka la eego isbaheysiga siyaasadeed ee qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayaa dad badan u arkaan in uu noqon karo qofka ka soo dhex-baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, uuna yahay mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

- Advertisement -

Read more

Local News