Yuusuf Garaad oo ballan-qaad sameeyey, kadib xilka cusub ee loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo shalay loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo dhoweeyay xilkaasi loo magacaabay.

Ugu horreyn Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyey madaweynaha Soomaaliya, kalsoonida uu siiyey iyo xilka sare ee uu u magacaabay.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu si daacadnimo ah, kartina ay ku jirto uu u gudan doono mas’uuliyadda culus ee loo xil-saaray.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu si hufan oo khibrad leh uga qeyb  qaadan doono xilli kasto arrimaha waa weyn ee mandiqadda Geeska Afrika.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Gobolweynaha aan ka tirsan nahay oo bad iyo berriba leh kuna baahsan laba qaaradood.

Waxaan ballanqaadayaa in aan si daacadnimo ah kartideyda, khibraddeyda iyo  aqoonteyda oo dhan aan u dul dhigo mas’uuliyadda la ii xilsaaray aniga oo ka amba qaadaya halka la soo gaarsiiyay, lana kaashanaya howlwadeennada iyo hey’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.

Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah.

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay.

Ducada Aammiin.

Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn am aka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay.