Yuusuf Indha-Cadde oo hal talo usoo jeediyay DF amarna siiyay ilaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa ka hadlay dhibaatada dhex marta inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Indha-cadde ayaa ka hadlay dhibaatada ugu badan ee ka dhalata askarta badan ee ay wataan madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wuxuu kula taliyay dowladda Soomaaliya si loo yareeyo dhibaatada ilaalada dowladda kasoo gaarta shacabka Soomaaliyeed in loo baahan yahay in dowladda iyo madaxdeeda loo sameeyaa waddo gaar ah oo iyaga kaliya ay maraan.

Dhibaatada ugu badan ee dhalata ayuu sheegay inay ka timaado ciidamada ilaalada ah, maadaama ay ku jiraan difaacida naftooda iyo dadka ay ilaalinayaan, taasi oo sababta inay garan waayaan cidda ay iska ilaalinayaan.

“Runtii way adag tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ilaaladda Madaxda Dowladda Somaliya ay u geystaan shacabka isticmaalaya wadooyinka,balse hadii la sameeyo wado u gaar ah ilaaladdda iyo madaxda Dowladda Somaliya xal ayaa la helayaa.”, ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.

Marar badan ayay dhacday in ilaalada madaxda dowladda Soomaaliya ay waxyeelo gaarsiiyaan dad shacab ah, waxaana ugu dambeysay dilkii wasiir Siraaji oo ay ka dambeeyeen ilaalada hanti dhowrka qaranka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET